Gudaha
Ra’iisul wasaare Xamsa oo magacaabay wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS
Ra’iisul Wasaare Xamsa markii uu arkay qodobka 120-aad farqadiisa 2-aad iyo 3-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, markii uu arkay taariikh nololeedka, khibradda iyo aqoonta mudanaha xilka loo magacaabay, markii uu tixgaliyay talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayuu Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda u magacaabay Mudane Cabdulqaadir Cumar Macalin.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Mudane Cabdulqaadir kula dardaarmay hufnaan iyo xil-gudasho.
La wadaag



