Wararka
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan Qur’aan

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex arday oo Soomaaliyeed oo kaalmaha koowaad, labaad iyo saddexaad ka galay tartan caalami ah oo Qur’aanka Kariimka ah, kaas oo lagu qabtay dalka Qatar.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyay ardayda, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda iyo guusha ay Soomaaliya uga soo hoyeen tartanka caalamiga ah ee Qur’aanka Kariimka ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale u ballanqaaday in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bixin doonto kharashka waxbarashada tacliinta sare ee saddexda arday.
La wadaag



