Wararka
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeer ku tagay Dugsiga Tababarka Towfiiq

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ay wehliyaan Hoggaamiyaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor iyo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad, ayaa kormeer ku tagay Dugsiga Tababarka Towfiiq.
Ra’iisul Wasaaraha iyo mas’uuliyiinta ayaa halkaasi ku soo kormeeray cutubyo cusub oo tababar ku qaadanaya dugsiga, kuwaas oo ka mid noqonaya Ciidanka NISA.
Ciidankan ayaa loo diyaarinayaa in ay ka qayb qaataan howlaha sugidda amniga iyo xoojinta nabadda ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, halkaas oo muddooyinkii u dambeeyay laga sameeyay dadaallo lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo amniga deegaanka.






