Wararka
Ra’iisil Wasaarahe Xamsa oo Wasaaradda Caddaaladda u magacaabay Xoghaye joogto ah

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisil Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.
Ra’iisul Wasaaraha oo cuskanaya qodobka 119aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa u magacaabay Mudane Mubaarik Maxamed Axmed in uu noqdo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa mas’uulkan kula dardaarmay hufnaan iyo hawl gudasho dhab ah, fuliyana qorshayaasha xukuumadda ee degsan.
La wadaag



