Gudaha
NISA oo sheegtay in howlgal lagu dilay horjooge ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho(SONNA);Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka oo 23-kii Agoosto howlgal ka dhacay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ku dilay Cabdullaahi Xaashi Labajir (Ikhlaas), oo ahaa Madaxii Guud ee Sirdoonka Khawaarijta.
Ikhlaas ayaa xilkan hayay tan iyo sannadkii 2013-kii, wuxuuna ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu halista badan hoggaanka sare ee Khawaarijta.
Goordhow la soco faahfaahin dheeraad ah.
La wadaag



