calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

NISA oo burburisay shabakado Khawaarij ah oo shirqool waday

Waxaa la qabtay 11-Dhagarqabe

NISA oo burburisay shabakado Khawaarij ah oo shirqool waday
NISA oo burburisay shabakado Khawaarij ah oo shirqool waday — SONNA

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa burburiyay shabakado ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo cadawgu u diyaariyay in ay ku dhex dhuuntaan qaybo ka mid ah caasimadda Muqdisho iyo nawaaxigeeda, waxaana gacanta lagu dhigay 11 dhagar-qabe oo ka tirsanaa shabakado kala duwan, kuwaas oo loo diyaarinayay in ay fuliyaan falal ka dhan ah amniga.

Shabakadahaan ayaa la soo afjaray kaddib howlgallo qorsheysan oo Ciidanka NISA ay ka fuliyeen degmooyinka Daarusalaam, Garasbaaley, Kaxda, Dayniile iyo Afgooye. Intii ay howlgalladu socdeen, ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub iyo agab kale oo ay dhagar-qabayaashu doonayeen in ay u adeegsadaan fulinta dhagarta ay qorsheynayeen.

Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee NISA ay uga hortagayso qorshayaasha ay ku doonayaan inay ku waxyeelleeyaan amniga iyo shacabka Soomaaliyeed. Muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish, la wadaag NISA: 199 | 0770 747474 | 0620 545454

La wadaag