Wararka
Muqdisho oo lagu soo gabgabeeyay kulan looga hadlayay la dagaallanka argagixisada

Muqdisho-(SONNA)-Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho kulamadii u dhexeeyay hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xarunta La-dagaallanka Argagixisada ee Midowga Afrika.
Kulanka gabagabada ah ayaa dib loogu milicsaday wada-tashiyadii iyo kulamadii labadii maalmood ee la soo dhaafay, iyadoo dhinaca Xaruntu ay uga mahadcelisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Xafiiska Amniga Qaranka, soo dhaweynta iyo fududeynta kulamadii ay la yeesheen hay’adaha kala duwan ee dowladda.
Sidoo kale, wafdiga Xarunta La-dagaallanka Argagixisada ee Midowga Afrika ayaa bogaadiyay horumarka muuqda ee DFS ay ka sameysay la-dagaallanka argagixisada, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Midowga Afrika.



