Gudaha
Muqdisho oo beri martigelineysa shirka Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026

Muqdisho,(SONNA):- Magaalada Muqdisho waxaa berri ka furmaya Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026, kaas oo isu keenaya hay’adaha dowladda, wasiirada warfaafinta dowlad goboleedyada, warbaahinta, bulshada rayidka ah, bah-wadaagta horumarinta iyo daneeyayaasha kale, waxaana soo qaban-qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS.
Madashan oo hal ku dhigeeda yahay “Qaabeynta Mustaqbalka Warbaahinta ee Xilligan Casriga ah” ayaa lagu xoojinayaa isku-duwidda isgaarsiinta, lagu horumariyo isgaarsiinta dadweynaha, laguna dhiso kalsoonida bulshada.
Madashan oo markii labaad la qabanayo ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa horumarinta warfaafinta dalka, jihada mustaqbalka warbaahinta Soomaaliyeed, xoojinta xiriirka dowladda iyo dadweynaha, fursadaha ay bixiyaan tiknoolajiyadda iyo baraha bulshada, iyo caqabadaha la xiriira wararka been-abuurka ah.
Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga hadli doonaa anshaxa saxaafadda, isbeddellada ku socda warbaahinta casriga ah iyo adeegsiga garaad gacameedka (AI) ee dhinaca warbaahinta iyo isgaarsiinta.


