Gudaha
Munaasabadda dabaal-degga sanad-guurada 49-aad ee xoriyadda Jabuuti oo lagu qabtay dalka Australia

Muqdisho(SONNA);-Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusay sanad-guurada 49-aad ee ka soo wareegtay xornimada Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa lagu qabtay magaalada Melbourne ee dalka Australia.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Australia, xubno ka socday safaaradda Jabuuti, hoggaamiyeyaasha jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo Jabuuti, marti sharaf kale, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Melbourne.
Intii ay socotay xafladda, waxaa la jeediyay khudbado lagu bogaadiyay horumarka ay Jabuuti ka gaartay dhinacyada nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha tan iyo markii ay xorriyadda qaadatay gumeystihii Faransiiska,iyadoo La adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ka dhexeeya dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya iyo Jabuuti.






