Wararka
Mudanayaasha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay'adda Saadaasha Hawada

Muqdisho(SONNA);-Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee BJFS oo maanta cod Aqlabiyad leh ku ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay'adda Saadaasha Hawada ee XFS oo ay Aqalka usoo gudbisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS.
27 Senator ayaa u codeeyay meel-marinta Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay'adda Saadaasha Hawada, ma jirin Senator diiday iyo mid ka aamusay intaba.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS Bashiir Maxamed Jaamac ayaa Senatorrada Golaha Aqalka Sare ee dalka u faah-faahiyay kaalinta uu ka qaadanayo ilaalinta deegaanka Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay'adda Qaran ee Maaraynta Deegaanka, oo maanta Akhrinta koowaad la marsiiyay.
La wadaag


