Gudaha
Masuuliyiin ka tirsan SoDMA oo kormeer iyo wacyigelin ka sameeyay deegaanno hoos taga Beledweyne

Beledwene(SONNA):-Masuuliyiin sare oo ka tirsan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo safar shaqo ku jooga magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, ayaa kormeer iyo u kuurgelid ku sameeyay xaaladda nololeed ee deegaanno ku teedsan magaalada Beledweyne.
Masuuliyiinta ayaa booqday deegaannada Leebow iyo Shiniile, halkaas oo ay kula kulmeen maamulka deegaanka iyo bulshada, iyagoo la wadaagay xog ku saabsan xaaladda saadaasha El Niño iyo tallaabooyinka muhiimka ah ee looga baahan yahay bulshada si loogu diyaar garoobo saameyn kasta oo ka dhalan karta.
Guddoomiyeyaasha deegaannada ayaa bogaadiyay dadaallada Hay’adda SoDMA ee ku aaddan wacyigelinta iyo u diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah, waxayna masuuliyiinta la wadaageen warbixinno ku saabsan xaaladda deegaanka iyo baahiyaha bulshada.
Maareeye Xasan Ciise iyo Agaasime Cabdifataax oo ka socday Hay’adda SoDMA ayaa bulshada gaarsiiyay wacyigelin ku saabsan khataraha ka dhalan kara roobabka iyo fatahaadaha, iyagoo ugu baaqay bulshada inay si wanaagsan ugu diyaar-garoobaan xaaladaha degdegga ah, isla markaana ay furaan oo nadiifiyaan biyo-mareennada iyo waddooyinka gurmadka, si loo yareeyo khatarta fatahaadaha loona fududeeyo gurmadka haddii xaalad degdeg ah timaado.
Tallaabadan oo qayb ka ah qorshayaasha dowladda ee lagu yareynayo saameynta xaaladda El Niño ayaa ku soo beegmaysa xilli Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin magaalada Beledweyne, si loo dardargeliyo dadaallada u diyaar-garowga iyo wacyigelinta bulshada.






