Maqaallada
Maqaal. Khadka Tareenka Muqdisho ilaa Jowhar (Qeybta 1-aad)
Taariikhda, Jidka, Gaadiidka iyo Doorkii Dhaqaalaha Soomaaliya uu kum lahaa Tareenka

Qormadaan oo ah mid taariikhi ah, islamarkaan ah raad raac xusuuseed.
Hordhac
Taariikhda Gaadiidka Soomaaliya waxaa ku jira Bog maanta si weyn loo illoobay: Tareenkii Muqdisho–Jowhar, oo xilligii Talyaaniga loo yiqiin Ferrovia Mogadiscio–Villaggio Duca degli Abruzzi. Khadkani wuxuu isku xiri jiray Muqdisho, oo ahayd Xarunta Dekedda iyo Maamulka, iyo Villaggio Duca degli Abruzzi, oo maanta loo yaqaan Jowhar, oo ahayd xarun muhiim u ah wax-soo-saarka Beeraha ee dooxada Webiga Shabeelle.
Khadka Tareenku wuxuu dhererkiisu ahaa qiyaastii 113–114 km, wuxuu ahaa hal waddo (single track), waxaana loo dhisay cabbir cidhiidhi ah oo 950 mm ah. Jidku wuxuu ka bilaabanayay Muqdisho, wuxuu marayay Afgooye iyo dhowr goobood oo ku yaallay dhulka Shabeellaha Hoose, kadibna wuxuu laba jeer ka gudbayay Webiga Shabeelle ka hor inta uusan gaarin Jowhar.
Tareenku ma ahayn oo keliya Gaadiid Rakaab ee wuxuu ahaa qayb ka mid ah nidaam dhaqaale oo isku xirayay Beeraha, wax-soo-saarka, Gaadiidka, magaalada Muqdisho iyo dekedda, waxaana sannadkii 1930-kii lagu diiwaangeliyey in uu qaaday 19,359 Rakaab iyo 43,467 Tan oo Badeecooyin ah. Badeecooyinka ugu waaweyn waxaa ka mid ahaa Moos, Cudbi ama Suuf iyo Qaxwo, kuwaas oo laga soo qaadi jiray Beeraha ku dhow Villabruzzi/Jowhar loona diri jiray dekedda Muqdisho.
Bilowgii mashruuca
Taariikhda khadkan mararka qaar waxaa lagu soo koobaa in la dhisay 1914-kii, waana sannadka ay ilo badan ku qoraan bilowga ama furitaanka hore ee nidaamka Tareenka Muqdisho. Si kastaba, taariikhda dhismaha khadka oo dhan waxay ahayd mid marxalado badan leh.
Xogta taariikhiga ah waxay muujinaysaa in khadka markii hore loo dhisay agagaarka Muqdisho, kadibna si tartiib ah loogu fidiyay gudaha. Sanadkii 1924-kii ayuu gaaray Afgooye, halka qaybtii u dambaysay ee ku xiraysay Villaggio Duca degli Abruzzi/Jowhar la dhammaystiray dabayaaqadii 1920-meeyadii; ilo ayaa sheegaya in khadku Jowhar gaaray 1927-kii ama 1928-kii.
Sidaas darteed, marka la yiraahdo “Tareenka waxaa la dhisay 1914-kii”, waxaa muhiim ah in la fahmo in taariikhdaas ay tilmaamayso marxalad hore oo mashruuca ah, halka Muqdisho–Jowhar oo dhan uu dhismihiisu ku dhammaaday dhowr sano kadib.
Jidka Tareenka Muqdisho–Jowhar.

Khadka Tareenku wuxuu lahaa jid si cad u qeexnaa, kaas oo isku xirayay Muqdisho iyo xarunta Beeraha ee Jowhar.
1. Muqdisho — 0 km
Safarku wuxuu ka bilaabanayay Muqdisho, oo ahayd xarunta ugu weyn ee
Dekedda, Ganacsiga iyo maamulka.
Khadku wuxuu xiriir toos ah la lahaa Dekedda Muqdisho, taasoo ahayd meesha Badeecooyinka laga dhoofin jiray. Sidaas darteed, Muqdisho waxay ahayd labada bilowga safarka tareenka iyo Albaabka Badeecooyinka Soomaaliya ugu gudbi jireen suuqyada dibadda.
2. Buundada Webiga Shabeelle — 30 km
Markii tareenku Muqdisho ka soo baxo, wuxuu u sii socday dhanka gudaha, wuxuuna ku gaari jiray Buundada Webiga Shabeelle qiyaastii 30 km kadib.
Buundadani waxay ahayd mid ka mid ah meelaha farsamo ahaan muhiimka u ahaa khadka, maadaama Tareenku uu ka gudbayay Webiga Shabeelle ka hor inta uusan gaarin Afgooye.
3. Afgooye — 50 km
Tareenku wuxuu kadib gaarayay Afgooye, oo ku taalla qiyaastii 50 km Muqdisho.
Afgooye waxay ahayd meel muhiim ah oo khadku maro, waxaana sanadkii 1924-kii halkaas la gaarsiiyay khadka Tareenka, waxayna sidoo kale ahayd meel uu tareenku xiriir la sameeyay dhulka Beeraha iyo Waddooyinka gudaha.
4. Adale — 66 km
Safarku wuxuu sii socday ilaa Adale, oo ku taallay qiyaastii 66 km u jirta magaalada Muqdisho.
Adale waxay ahayd mid ka mid ah saldhigyada jidka Tareenka, waxaana xogta taariikhiga ahi xustaa in adeegga tareenku uu lahaa joogsiyaal kala duwan oo u dhexeeyay Muqdisho iyo Jowhar.
5. Garsala — 80 km
Kadib wuxuu tareenku mari jiray Garsala, oo ku taallay qiyaastii 80 km u jirta Muqdisho.
Goobtan, sida saldhigyada kale ee jidka, waxay ka mid ahayd meelihii Tareenku ku istaagi jiray intii uu u kala safrayay Muqdisho iyo Villaggio Duca degli Abruzzi.
6. Moico — 90 km
Safarka ayaa markaas sii geli jiray gudaha, isagoo gaaraya Moico, oo qiyaastii 90 km u jirta Muqdisho.
Meeshan waxay ku dhoweyd qaybta dambe ee jidka u gudbaya gobolka Shabeellaha Dhexe.
7. Buundada Webiga Shabeelle — 111 km
Qiyaastii 111 km marka laga soo bilaabo Muqdisho, tareenku wuxuu mar kale ka gudbi jiray Webiga Shabeelle.
Tani waxay ahayd marinka labaad ee weyn ee Webiga Shabeelle ee jidka tareenka, ka hor inta uusan Tareenku gaarin Jowhar.
8. Villaggio Duca degli Abruzzi (Jowhar) — 114 km
Ugu dambayn, Tareenku wuxuu gaarayay Villaggio Duca degli Abruzzi, oo maanta loo yaqaan Jowhar, qiyaastii 114 km u jirta marka laga soo bilaabo Muqdisho.
Jowhar waxay ahayd xarun Beeraha ah oo muhiim u ahayd nidaamkii wax-soo-saarka ee Talyaanigu ka sameeyay dooxada Webiga Shabeelle. Degmadaas waxaa la aas aasay sanadkii 1920-kii, waxaana horumarinteeda lala xiriiriyay Qolyihii Talyaaniga ahaa ee Luigi Amedeo, Duca degli Abruzzi.
Liiska jidka oo dhammeystiran:-
Muqdisho — 0 km
↓
Buundada Webiga Shabeelle — 30 km
↓
Afgooye — 50 km
↓
Adale — 66 km
↓
Garsala — 80 km
↓
Moico — 90 km
↓
Buundada Webiga Shabeelle — 111 km
↓
Villaggio Duca degli Abruzzi (Jowhar) — 114 km.
Xogta saldhigyada iyo masaafadaha ayaa sidaas u diiwaangashan ilaha taariikhiga ah ee khadka.
Qaabkii Tareenka loo dhisay:-
Khadku wuxuu ahaa 950 mm narrow gauge, taas oo ka dhigan in masaafada u dhexeysa labada bir ee Tareenka ay ahayd 95 sentimitir. Wuxuu ahaa hal waddo, halkii uu ka ahaan lahaa laba waddo oo tareenno isku mar labada jiho ugu kala socdaan. Xogta farsamadu waxay sidoo kale tilmaamaysaa in dhererka khadku ahaa qiyaastii 113 km, iyadoo qalloocyada ugu yar iyo jiirada khadkana loo qaabeeyay xaaladda dhulka.
Dhismuhu wuxuu u baahnaa in Tareenka lagu dhex maro dhul Xeebeed, dhul Beeraha ah iyo meelo uu Webiga Shabeelle ka gudbayo, sidaas darteedna, Buundooyinka iyo Biyo-mareennadu waxay ahaayeen qayb muhiim ah oo ka mid ah Injineernimada khadka.
La soco Qeybta 2-aad.
W/Q: Eng. Saalax Sheekh Cusmaan



