calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Mamulka Gobolka Banaadir oo kormeeray waddooyin ay ku socdaan howlo dayactir ah

Mamulka Gobolka Banaadir oo kormeeray waddooyin ay ku socdaan howlo dayactir ah
Mamulka Gobolka Banaadir oo kormeeray waddooyin ay ku socdaan howlo dayactir ah — SONNA

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga Gobolka Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh)ayaa kormeer ku tagay Isgoyska Bakaaraha iyo goobo kale oo ay ku socdaan dib u habeyn iyo dayactir ay wadaan qaar kamid ah hey’adaha qaabilsan dhismaha waddooyinka sida shirkadda Docol.

Ku-simaha Guddoomiyaha ayaa sheegay in waddooyinka Magaalada Muqdisho inta badan la dayactiray,isla markaana lagu guuleystay dhismaha jidad cusub oo laga hirgaliyay degmooyin kamid ah gobolka.

Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh waxa uu tilmaamay in dhowaan la bilaabayo dayactirka Jidka 30-ka gaar ahaan, wadada Shiirkole tan Daallo iyo kuwo kale,isagoo dhinaca kale ku baaqay in shirkadaha dhismaha ay xaqiijiyaan badqabka iyo tayeynta waddooyinka.

La wadaag