Wararka
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay casho-sharaf lagu soo dhoweynayo guddoomiyaha golaha shacabka
Munaasabadda waxaa ka qayblay madaxda Qaranka

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo dhaweynayay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa dul istaagay guulaha muhiimka ah ee laga gaaray dowlad-dhiska, xoojinta nidaamka dowladnimada iyo meel marinta shuruucda dhaxal reebka ah, kuwaasi oo sannadihii la soo dhaafay saldhig u noqday xoojinta hay’adaha dowladda, horumarinta nidaamka sharciyeed iyo ilaalinta danta guud ee qaranka.
Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Guddoonka iyo xubnaha Golaha Shacabka Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya, shaqada ay ka qabteen gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, isaga oo xusay in sharci-dejintu ay laf-dhabar u tahay dowladnimo ku dhisan nidaam, isla-xisaabtan iyo kala dambeyn.
Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Guddoomiyaha ugu hambalyeeyay xilka loo doortay iyo kalsoonida ay xubnaha Golaha Shacabka ku aamineen, isaga oo u rajeeyay in uu si hufan, daacadnimo iyo masuuliyad leh u guto waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.












