calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Serbia iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo maalgashiga, iyaga oo adkeeyey muhiimadda xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya — SONNA

Belgrade(SONNA)--Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed barbar socday Shir-madaxeedka dalalka dhex-dhexaadka ah ee magaalada Belgrade, la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Serbia, Mudane Aleksandar Vučić.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hassan Sheikh Mohamud, oo uu weheliyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abdisalam Ali, ayaa magaalada Belgrade ee dalka Serbia wadahadallo laba geesood ah kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Serbia, Mudane Aleksandar Vučić, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

Kulanka ayaa dhacay intuu uu socday Shirka Heerka Sare ee lagu xusayey 65-guurada Shirkii Koowaad ee Dalalka Aan Isbahaysiga Lahayn (Non-Aligned Movement).

Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyey in la xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia, lana ballaariyo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Dowladda Soomaaliya, oo ka mid ahayd 25-kii dal ee ka qaybgalay Shirkii Koowaad ee Belgrade ee 1961-kii, ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay iskaashiga iyo ballaarinta xiriirrada ay la leedahay dalalka caalamka.

doc1.jpgdoc2.jpgdoc3.jpg

La wadaag