Gudaha
Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Cadaado

Muqdisho,(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu weheliyo Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa gaaray degmada Cadaado, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen boqolaal ka mid ah shacabka degmada.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Cadaado kulamo la qaadan doona bulshada iyo qeybaha kala duwan ee dadka reer Cadaado, iyagoo ka qeyb qaadan doona howlaha iyo munaasabadaha la qorsheeyay.








La wadaag



