Wararka
Madaxweynaha JFS “Balanteenu waa doorasho qof iyo cod ah oo ku dhisan hannaanka xisbiyada”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan muhiim ah la qaatay xubnaha labada gole,gaar ahaan kutlada Xildhibaannada BFS ee ka tirsan Urur Siyaasadeedka JSP.
Madaxweynaha ayaa xubnaha labada gole kala hadlay xoojinta wada-shaqeynta, doorka Xildhibaannada ee horumarinta dowladnimada , diyaar-garowga doorashooyinka qof iyo codka ah iyo sidii loo xaqiijin lahaa hirgelinta hannaan doorasho ee ku dhisan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
“Qof walba ra’yiga uu dalka ku maamulaayo in uu soo bandhigo ayaa la rabaa,marka uu soo bandhigana dad badan oo ku raaca in la helo ayaa la rabaa”sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in aysan suurtagal aheyn in dib loogu laabto doorasho dadban,wuxuuna dhinaca kale yiri “waan soo dhoweyneynaa, waana dhageysaneynaa ra’yiga cid kasta oo noola timaada caqli macquul ah oo loo arki karo in uu keenayo horumar”.


