calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Madaxda SODMA oo ka qeybgalay kulan la xiriiray u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

Shir la xiriiray u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Adis Ababa

Madaxda SODMA oo ka qeybgalay kulan la xiriiray u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika
Madaxda SODMA oo ka qeybgalay kulan la xiriiray u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika — SONNA

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Shir Heerkiisu sareeeyo oo dalalka IGAD ay kaga arrinsanayeen diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika, kaas oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee Itoobiya.

Shirka oo socday 15–17 Sebtembar 2026 waxaa  diiradda lagu saaray xoojinta diyaar-garowga gobolka, gaar ahaan khataraha roobabka xooggan iyo fatahaadaha, iyadoo xoogga la saaray digniinta hore, tallaabada hore iyo isku-duwidda gobolka.

Ka qaybgalayaashu waxay ka arrinsadeen saadaasha El Niño iyo baahiyaha diyaar-garowga, iyagoo isku raacay in la xoojiyo wadaagga xogta iyo iskaashiga gobolka si loo yareeyo khataraha la filayo.

Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa shirka ku soo bandhigay dadaallada Dowladda Soomaaliya ay waddo ee lagu yareynayo saameynta El Niño iyo fatahaadaha, iyo muhiimadda ay leedahay iskaashiga dalalka gobolka.

La wadaag