calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Madaxa Golaha Qaran ee Dhaqaalaha Soomaaliya oo Thailand uga qeybgalay kulan caalami ah

Madaxa Golaha Qaran ee Dhaqaalaha Soomaaliya oo Thailand uga qeybgalay kulan caalami ah
Madaxa Golaha Qaran ee Dhaqaalaha Soomaaliya oo Thailand uga qeybgalay kulan caalami ah — SONNA

Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee Dhaqaalaha Soomaaliya Dr. Xasan Aadan Hoosow,ahna La-taliyaha Arrimaha Dhaqaalaha Madaxweynaha JFS ayaa Magaalada Bangkok ee Dalka Thailand uga qaybgalay kulan loogu magic daray madasha caalamiga ah ee Dhaqaale u Diyaarsan Mustaqbalka Future-Ready Economy ee 2026.

Madashaasi waxaa ka qeyb galeen Ra’iisul Wasaaraha Dalka Thailand, Anutin Charnvirakul, , Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta OECD, Mathias Cormann, mas'uuliyiin iyo khubaro kale oo caalami ah.

Dr. Hoosow ayaa madasha ku soo bandhigay aragtida la falgelidda Soomaaliya ee isbedellada xaaladda dhaqaalaha adduunka, adkaysiga dhaqaale iyo soo jiidashada maalgashiga xilli ay dunidu wajahayso hubanti-la’aan dhaqaale, khataraha cimilada iyo hoos-u-dhaca kaalmada horumarinta.

Sidoo kale Dr. Hoosow ayaa iftiimiyay jihada horumarineed ee Soomaaliya, isaga oo xoogga saaray dib-u-habaynta dhaqaalaha, xoojinta wax-soo-saarka gudaha, dhiirrigelinta maalgashiga gaarka loo leeyahay iyo dhisidda dhaqaale adkaysi leh oo ku wajahan xaqiijinta Himilada Qaranka ee 2060 iyo Qorshaha Isbedelka Qaranka.

La wadaag