Wararka
Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda oo maalintii 2 aad ka socota Muqdisho
Dowladda Soomaaliya ayaa maalintii labaad martigalineysa shirweyne looga hadlaayyo arrimaha ganacsi ee Soomaaliya iyo Ughanda iyo qodob kale oo la xiriira dib u-eegista guddiga joogtada wadajirka ah ee labada dal.
Shirweynahaan oo ay ka qeybgalayaan boqolllaal wafuud ah oo ka kala socda Soomaaliya iyo Uganda waxaa diiradda lagu saarayaa arrimaha amniga, ganacsiga, maalgashiga, dalxiiska ,kalluumeysiga iyo shaqada iyo shaqaalaha.
Ujeeddada kulanka ayaa ah in mudnaanta la siiyo danaha ay labada dal wadaagaan isla markaama loo beddelo maalgashi wax ku ool ah oo labada dal faa’iido u leh.
Shirweynahaan waxaa furay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,iyadoo sidoo kale ka qeybgalayaasha ay kamid ahaayeen Wasiirrada Shaqada ee labada dal Soo.aaliya iyo Uganda, Mudane Prof. Saalim Caliyoow Ibroow iyo Henry Tumukunde.



