Gudaha
MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA EE BFS OO DHAMEYSTIRAY AKHRINTA KOOWAAD EE HESHIISKA QARAMADA MIDOOBAY EE KA GANACSIGA SHARCI-DARADA AH EE DAAWOOYINKA MAANKA DOORIYA IYO KUWA MAANKA SAAMEEYA

Muqdisho,(SONNA):- Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 26-aad, waxaana shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ugu horreyn, Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa guda galay dhameystirka Akhrinta koowaad ee Heshiiska Qaramada Midoobay ee ka ganacsiga Sharci-darada ah ee daawooyinka maanka dooriya iyo kuwa maanka saameeya 1988 oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, iyadoo mudanayaasha Golaha ay heshiiskan su’aalo ka weydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Dr Cali Xaaji Aadan oo dhankiisa ka jawaabay su’aalaha ay Xildhibaanada weydiiyeen.
Sidoo kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Akhrinta sedaxaad marsiiyey ee Heshiisyada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saabsan Iskaashiga Caalamiga ah ee Garsoorka, waxaana warbixinta Akhrinta koowaad ee Heshiisyadan golaha la wadaagay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal (Geelle).
Dhinaca kale, Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Akhrinta sedaxaad marsiiyey Hindise-Sharciyeedka Wax-ka-baddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Sharci Lr.130 ee soo baxay April-2012, iyadoo uu Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdullaahi uu goluhu u faahfaahiyey warbixinta Akhrinta Sedaxaad ee Hindise-Sharciyeedkan.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanada uga mahadceliyey ka qeybgalka iyo gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah.

































