calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA LA DOORTAY EE DOWLAD GOBOLEEDKA HIRSHABEELLE

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA LA DOORTAY EE DOWLAD GOBOLEEDKA HIRSHABEELLE
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA LA DOORTAY EE DOWLAD GOBOLEEDKA HIRSHABEELLE — SONNA

Muqdisho,(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha dib loo doortay ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka, Mudane Cabdifitaax Xasan Afrax, kuwaasi oo maanta lagu doortay magaalada Jowhar.

Madaxweynaha ayaa hoggaanka cusub u rajeeyay guul iyo in ay si hufan uga soo dhalaalaan mas’uuliyadda loo igmaday, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, dib-u-heshiisiinta, dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada bulshada ee deegaannada Hirshabeelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale bogaadiyey hannaanka doorasho ee lagu soo doortay hoggaanka cusub, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta dimuqraadiyeynta, dhismaha hay’adaha dowladnimada iyo ka-qaybgalka shacabka ee geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

La wadaag