Wararka
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG
Muqdisho.SONNA…Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka, Mudane Cabdiweli Ibraahim Garyare, oo maanta ay magaalada Dhuusamareeb ku doorteen xubnaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoggaanka cusub ugu hambalyeeyey kalsoonida ay ka heleen xubnaha Golaha Wakiillada, isaga oo kula dardaarmay in ay mudnaanta koowaad siiyaan ilaalinta nabadgelyada, xal u helidda colaadaha sokeeye, xoojinta midnimada bulshada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.
Madaxweynaha ayaa doorashada hoggaanka cusub ku tilmaamay mid taariikhi ah, maadaama ay qayb ka ahaayeen boqollaal kun oo shacab ah oo ku kala nool magaalooyinka waaweyn iyo deegaannada miyiga ah ee Galmudug, taas oo muujinaysa doorka ay muwaadiniintu ku leeyihiin geeddi-socodka dimuqraadiyeynta iyo dhismaha dowladnimada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey Hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka cusub in uu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, si ay uga mira-dhaliyaan himilooyinka shacabka Galmudug ee nabadda, dowladnimada iyo horumarka.

