calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi
Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi — SONNA

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane Liibaan Axmed Xasan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in mudane Liibaan Axmed uu helay 72 cod,halka C/qaadir C/laahi Diiriye oo la tartamaayey  uu isna helay 14 cod .

Sidoo kale Mudane Cabdiweli Ibraahim Aadan (Garyare) ayaa loo doortay Hoggaamiye Ku-xigeenka Galmudug, wuxuuna ku soo baxay 64-cod, halka musharaxii kula tartamay xilka Mudane Cabdisataar Maxamed Geelle uu helay 22-cod.

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan oo doorashada kadib halkaasi ka jeediyay Khudbad gaaban,ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya, xubnihii ka socday labada gole ee dowladda federaalka,guddiga doorashooyinka,hoggaankii hore ee Galmudug ,saraakiisha ciidamada iyo martida kale.

Kulankii doorashada oo ka dhacday hoolka baarlamaanka waxaa ka qeybgalay Xildhibaanno gaaraya 89, kuwaas bixiyay codka qarsoon ee loogu talagalay sanduuqa codeynta.

kux.jfif

La wadaag