Wararka
Laba Dhallinyaro Xoolo-dhaqato ah oo Ruunirgood ku Dilay Horjooge ka Tirsanaa Khawaarijta
Horjoogaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Calasow Raage, oo loo yaqaannay Xasan Xusuleey, kaas oo 50 jir ahaa, kuna dhashay degmada Ruunirgood.

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa 17-kii Agoosto 2026 degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay mid ka mid ah horjoogayaasha ugu halista badnaa maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ee ka howlgala gobolka.
Horjoogaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Calasow Raage, oo loo yaqaannay Xasan Xusuleey, kaas oo 50 jir ahaa, kuna dhashay degmada Ruunirgood.
Xasan Calasow Raage ayaa ka tirsanaa horjoogayaasha ka howlgala gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana uu ahaa horjoogaha gaadiidka gobolka. Waxa uu sidoo kale horey u soo noqday waxa ay ugu yeeraan madaxa Sakawaadka degmada Ruunirgood, isagoo ahaa horjooge si weyn looga yaqaanay degmada iyo deegaannada ku hareeraysan.
Labada dhallinyaro ah ayaa horjoogaha dilay, kadibna ka furtay qori AK-47 ah iyo Rasaastii uu watay.
Horjoogahan ayaa dadka ku nool degmada iyo deegaannada ku hareeraysan u geystay dhibaatooyin ay ka mid yihiin dhaca hantida iyo xoolaha, cunaqabateyn iyo carqaladeynta isu-socodka degmada iyo deegaannada ku hareeraysan, isaga oo sidoo kale ku qasbay dad badan inay ka barakacaan degmada.
Wasaaradda Gaashaandhigga waxay bogaadinaysaa dadaallada ay dadka deegaanku kula dagaallamayaan maleeshiyaadka Khawaarijta, taas oo muujinaysa in shacabka Soomaaliyeed ay meel uga soo wada jeesteen dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.




