Gudaha
Horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Hiiraan

Muqdisho,(SONNA):- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan ku dilay saddex horjooge oo sare iyo shan maleeshiyo ah oo ilaalo u ahaa, halka afar kale lagu dhaawacay.
Howlgalka ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen afar horjooge oo ka tirsan Khawaarijta. Saddexda lagu dilay ayaana kala ahaa Siciid Xuuriye, horjoogihii qaabilsanaa baadda Bariga Gobolka Hiiraan, Xamse Bakool oo ahaa horjoogaha maleeshiyaadka ay u yaqaanaan Jabhadaha ee ka howlgalayay Hiiraan iyo Cusmaan oo ahaa horjoogihii waxa ay ugu yeeraan Fursaanta.
Weerarka ayaa sidoo kale lagu dilay shan dhagar-qabe oo ilaalo u ahaa horjoogeyaasha, waxaana lagu dhaawacay afar kale oo uu ku jiro horjooge Khaalid Ciro. Goobta bartilmaameedka waxaa si dirqi ah uga baxsaday horjooge Cabdikariin Yuusuf Axmed, oo Khawaarijta ugu magacawnaa deegaanka Tardo.
Howlgalkani waxa uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu baacsanayo horjoogeyaasha Khawaarijta, laguna wiiqayo awooddooda abaabul iyo fulinta falalka argagixisada.
Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish la wadaag NISA: 199 | 0770 747474 | 0620 545454.



