Gudaha
Horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay Shabeellaha Dhexe

Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha Dhexe ay dileen laba horjooge oo ka tirsanaa Khawaarijta.
Ciidamada Deegaanka ayaa weerar ku qaaday goob ay maleeshiyaadka Khawaarijta ku dhuumaaleysanayeen oo ku taalla duleedka deegaanka Daaru-nicma, halkaas oo lagu dilay horjooge Xasan Xuseen Xuurshow, oo loo yaqaanay Xasan Garabdheere.
Horjoogahan ayaa Khawaarijta u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka ee deegaannada Cadcaddeey, Cadaan-lexeey iyo Daaru-nicma, kuwaas oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Weerarka ayaa sidoo kale lagu dilay mid ka mid ah maleeshiyaadkii waardiyaha u ahaa horjoogaha, halka mid kale oo ka tirsanaa maleeshiyaadka lagu dhaawacay.
Sidoo kale, Ciidamada Deegaanka ayaa weerar ka fuliyay isla maalintaas deegaanka Tawakal, halkaas oo ay ku dileen horjooge kale oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Faadhuud.
Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadinaysaa Kacdoonka Shacabka ee ka dhanka ah argagixisada, kaas oo sii xoogeysanaya, iyadoo Ciidamada Deegaanka ay door muuqda ka qaadanayaan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab.




