Gudaha
Hoggaanka FESTU oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Xoghaynta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Muqdisho,(SONNA):- Hoggaanka Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU) oo uu hoggaaminayay Xoghayaha Guud ee FESTU, Cumar Faaruuq Cusmaan, ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Mudane Wamkele Mene, Xoghayaha Guud ee Xoghaynta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA) iyo wafdi uu hoggaaminayay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta AfCFTA ee Soomaaliya iyo kaalinta shaqaalaha iyo ururrada shaqaaluhu ku yeelan karaan isdhexgalka dhaqaale ee Afrika. FESTU waxay miiska soo saartay muhiimadda ay leedahay abuurista shaqooyin hufan, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo xoojinta wadahadalka bulshada, si kobaca ganacsiga iyo maalgashigu uu faa'iido dhab ah ugu keeno shaqaale-weynaha.
Iyadoo laga duulayo mowqifyada Ururweynaha Caalamiga ah ee Ururrada Shaqaalaha (ITUC) iyo ITUC-Africa, FESTU waxay carrabka ku adkaysay in shaqaalaha iyo ururradoodu yeeshaan cod muuqda oo macno leh marka la dejinayo siyaasadaha iyo qaab-dhismeedka hirgelinta AfCFTA. Mudane Wamkele Mene ayaa soo dhaweeyay sii wadidda wada-shaqeynta lala leeyahay ururrada shaqaalaha, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in dowladda, ganacsatada iyo ururrada shaqaaluhu iska kaashadaan koboc dhaqaale oo loo dhan yahay.
FESTU waxay sidoo kale bogaadinaysaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Danjire Jamaal Maxamed Xasan, dadaalka uu ku hoggaaminayo hirgelinta AfCFTA si loo dhan yahay, isaga oo isu keenaya dowladda, ganacsatada iyo ururrada shaqaalaha, isla markaana dhiirrigelinaya wadahadal bulsho oo saldhig u noqda iskaashi iyo horumar dhaqaale oo loo wada dhan yahay.







