Gudaha
Hoggaamiye ku-xigeenka Hirshabeelle oo loo doortay Cabdifataax Xasan Afrax

Mudane Cabdifataax Xasan Afrax ayaa ku guuleystay xilka Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee shanta sano ee soo socota, kaddib markii uu helay 79 cod.
Doorashada waxaa codeeyay 97 xubnood, waxaana xumaaday 2 cod. Musharrax Cabdifataax Baashi Maxamed ayaa helay 16 cod.
Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa maanta doortay hoggaanka Hirshabeelle, kuwaas oo ku yimid codka dadweynaha.
La wadaag



