Gudaha
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Booqasho Shaqo ku Tagay Xarunta Hay’adda SoDMA

Muqdisho(SONNA);- Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Hoggaamiyaha ayaa kulan la qaatay maamulka iyo howlwadeennada Hay’adda, isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan howlaha ay hay’addu u xilsaaran tahay, gaar ahaan ka hortagga iyo maaraynta musiibooyinka, gurmadka degdegga ah iyo taageerada loo fidiyo bulshada Soomaaliyeed xilliyada ay dhacaan musiibooyinka.
Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa bogaadiyey dadaallada Hay’adda SoDMA iyo shaqada muhiimka ah ee ay u hayso shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo hay’adaha ka shaqeeya gurmadka iyo maaraynta musiibooyinka.
Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo diyaar-garowga iyo awoodda wax looga qabanayo xaaladaha bani’aadannimo iyo musiibooyinka dabiiciga ah, si gurmad degdeg ah oo hufan loo gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee ay xaaladahaasi saameeyaan.
Booqashada Hoggaamiyaha waxaa ku wehlinayey Wasiirka Qorshaynta iyo Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.







