Wararka
Hoggaamiyaha Koofur Galbeed oo ka hadlay sidii loo dardargelin lahaa howlgallada ka dhanka khawaarijta

Baydhabo-(SONNA)-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray adkaynta amniga, xoojinta taageerada howlgalada socda ee lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida deegaanada Dowladda Koonfur Galbeed.
Shirka ayaa lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo taageerada dowladda ee ciidamada qalabka sida ee ku howlan howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta kuwaas oo u taagan difaaca shacabka, ilaalinta amniga iyo xaqiijinta nabadda guud.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo howlgalada socda, lana xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee dowladda, si loo xaqiijiyo guul waarta oo laga gaaro dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-Shabaab.
Golaha Wasiirrada ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo dadaallada lagu sugayo amniga, laguna taageerayo ciidamada howlgalada ku jira, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo ilaalinta shacabka iyo hantidooda.
Golaha Wasiirada ayaa adkeyey sida ay uga go’an tahay Dowladda Koonfur Galbeed ciribtirka Khawaarijta xoojinta amniga iyo xaqiijinta nabad waarta, iyadoo loogu baaqaysa shacabka inay garab istaagaan ciidamada iyo hay’adaha dowladda ee ku howlan sugidda amniga iyo difaaca dalka.


