Gudaha
Hoggaamiyaha Galmudug oo hambalyo u diray hoggaanka la doortay ee Hirshabeelle

Muqdisho,(SONNA):- Hoggaamiyaha Galmudug Liibaan Axmed Xasan ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Hoggaamiyaha la doortay ee Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, iyo ku-xigeenkiisa, Mudane Cabdifitaax Xasan Afrax, oo ku guulaystay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Jowhar.
Waxaa uu u rajeynayay Hoggaamiyaha iyo ku-xigeenkiisa guul iyo in ay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday, iyagoo mudnaanta siinaya midnimada bulshada, dib u heshiisiinta, amniga, horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo xoojinta dowlad-dhiska.
Galmudug iyo Hirshabeelle waxaa ka dhexeeya xiriir walaaltinimo iyo darisnimo oo soo jireen ah, kuna dhisan is-ixtiraam, iskaashi iyo dano wadaag. Waxaan rajeynayaa in xiriirkaas aan sii xoojiyo, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga, nabadgelyada iyo xasilloonida, si loo horumariyo danaha iyo wadajirka labada dowlad-goboleed.
Hoggaanka cusub ee Hirshabeelle ayuu u rajeeyey guul iyo horumar, anigoo adkeynaya sida ay muhiimka u tahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.



