Wararka
Hey’adda SODMO ”Waxaan ka baqeynaa in El Niño ay saameyso 3.5 milyan oo qof”
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in ay jiraan cabsi weyn oo laga qabo in fatahadda El-NINO ay saameyso deegaanada dalka,gaar ahaan 30 degmo oo ay ku jirto Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Hey’adda SODMO ayaa xusay in xilligaan dabeylaha iyo roobabka Elnino ay saameeyeen Soomaaliland,buntland,Woqooti Bari,Mudug,Gaalgaduud iyo kuwo kale,isagoo intaa ku daray in ay jiraan cabsi weyn oo laga qabo deegaanada kulaala labada webi ee Shabeelle iyo Jubba,kuwaas oo uu tilmaamay in saameynta ugu badan ee ELNINO ay ku dhici karto dadka deegaanadaasi.
“Qiyaas ahaan saameynta fatahaadahan waxay taaban karaan 3.5 milyan oo qof, halka dadka ku barakici karana lagu qiyaasay 1.2 milyan”ayuu yiri Madaxa Hey’adda SODMO.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA), Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa caddeeyay in ay jiraan dalal badan oo diyaar u ah in ay wax la qabtaan dadka Soomaaliyeed,sidaa ,gaar ahaan Shiinaha,Masar,Ukrein iyo kuwo kale sidaa daraadeed,waxa uu codsaday in ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa muxsiniinta ah ay ka qeybqaataan gurmadka lagu wajahayo fatahaadaha ELNINO.


