Wararka
Hey’adda SODMA iyo Qaramada Midoobay oo ka wadahadlay xaaladda dalka
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la qaatay George Conway, Isku-duwaha Gargaarka Bani’aadannimada Soomaaliya iyo Crispen Rukasha oo ah Madaxa Xafiiska UN OCHA ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadannimo iyo diyaarargarowga khatarta roobabka xooggan iyo fatahaadaha la xiriira Super El Niño, iyadoo si gaar ah looga hadlay halista fatahaadaha wabiyada, maadaama ay jiraan ifafaalo muujinaya kororka biyaha iyo khatarta fatahaadaha ee deegaano dhowr ah.
Dhinacyadaasi waxaa kaloo ay ka wadahadleen la socodka digniinaha hore, gurmadka degdegga ah iyo isku-duwidda dowladda iyo saaxiibbada bani’aadannimada, si loo yareeyo saameynta fatahaadaha, loona xaqiijiyo in taageeradu waqtigeeda gaarto dadka nugul ee khatarta ku jira.
Sidoo kale kulankaasi waxaa looga hadlay saameynta ay dagaaladu ku yeelan karaan gaarsiinta gargaarka bani’aadanimo ee loo fidinaayo dadka dhibaateysan.


