calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Heshiisyo dhanka caafimaadka ah oo dhexmaray Wasaaradda Caafimaadka iyo Jaamacadda Ummadda

Heshiisyo dhanka caafimaadka ah oo dhexmaray Wasaaradda Caafimaadka iyo Jaamacadda Ummadda
Heshiisyo dhanka caafimaadka ah oo dhexmaray Wasaaradda Caafimaadka iyo Jaamacadda Ummadda — SONNA

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa kala saxiixday laba heshiis oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo cilmi-baarista dalka.

Heshiiska koowaad ayaa lagu horumarinayaa Isbitaalka De Martino, iyadoo loo beddelayo Isbitaal Waxbarasho iyo Cilmi-baaris, si loo xoojiyo tababarka ardayda iyo xirfadlayaasha caafimaadka iyo horumarinta cilmi-baarista caafimaadka.

Heshiiska labaad ayaa lagu hirgelinayaa barnaamijka Executive Master in Health, oo loogu talagalay shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee heer federaal iyo dowlad-goboleed, kaas oo diiradda saaraya horumarinta aqoonta, xirfadaha, hoggaaminta iyo maamulka adeegyada caafimaadka.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in heshiisyadani ay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Wasaaradda iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, loona dhisayo nidaam caafimaad oo tayo leh oo ka jawaaba baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda Talyaaniga ayaa sidoo kale lagu bogaadiyey taageerada ay ka geysanayso horumarinta adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo dhisidda awoodda hay’adaha dalka.

La wadaag