Wararka
Hay’adda SoDMA oo ka digtay dhibaatooyinka ka dhasha Super El Niño

Muqdisho-(SONNA)-Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa bulshada Soomaaliyeed ku boorrisay in ay ka taxadaraan khataraha ka dhalan kara xaaladda Super El Niño.
SoDMA ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in la sameeyo diyaargarow wanaagsan iyo feejignaan, taas oo yarayn karta khasaaraha ka dhasha roobab xad-dhaaf ah, fatahaado iyo khataro kale oo ka yimaadda xaaladaha cimilada.
Baaqa hay’adda SoDMA ayaa kusoo aadaya iyadoo manta uu magaalada Muqdisho ka da’ay roob lixaad leh oo saacado badan socday, kaas oo hakad geliyay isu socodka dadka iyo gaadiidka.
La wadaag



