Wararka
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo u diyaargaroobaysa ka jawaabista halisaha El Nino
Bahda caafimaadka oo muhiim u ah hawlaha gurmadka ayey SoDMA la shirtay

Muqdisho (SONNA): Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta kulan la yeelatay bahda caafimaadka dalka oo isugu jira Hay’addaha caafimaadka dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, si loo xoojiyo u-diyaargarowga saameynta caafimaad ee ka dhalan karta fatahaadaha la saadaaliyay inay ku dhuftaan qaybo ka mid ah dalka ee Super El Niño.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo dejinta hannaan mideysan oo lagu gaarsiinayo gurmad caafimaad oo degdeg ah deegaannada la filayo inay fatahaaduhu saameeyaan.
Madaxa Mashaariicda Hay’adda SoDMA, Dr. Ismaaciil Jimcaale, ayaa sheegay in kulankan uu muhiim u yahay xoojinta isku-dubbaridka bahda caafimaadka iyo u-diyaargarowga wax ka qabashada saameynta caafimaad ee ka dhalan karta fatahaadaha la saadaaliyay.
Kulankan wuxuu qeyb ka yahay Shirar Kala duwan oo ay SoDMA ku dardargelineyso u-diyaargarowga iyo ka hortagga saameynta Super El Niño, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha ay khuseyso si loo yareeyo khataraha ka dhasha fatahaadaha.







