Gudaha
Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo ka qeyb galay 50 Guurada ka soo wareegatay aas-aaska Hay'adda AROBOSAI

Cammaan,(SONNA):- Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qaybgalay munaasabadda xuska “50 Guurada” ka soo wareegtay markii la aasaasay Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Sare ee Wadamada Carabta (AROBOSAI), taas oo socotay muddo saddex maalin ah (13-15 August 2026).
Munaasabaddan, oo ka dhacday magaalada Cammaan ee caasimadda wadanka Jordan, ayaa lagu soo bandhigay wada-shaqayntii iyo horumarkii ay ARABOSAI ka sameysay xoojinta hantidhowrista, iyada oo kor loo qaadayo aqoonta, kartida iyo fahamka xirfadaha hantidhowrka, isla-markaana ay hay'adaha xubnaha ka ah ARABOSAI wadaagayaan waaya-aragnimada iyo mihnadahooda aqooneed.
Hantidhowraha Guud ayaa madasha 50-guurada ARABOSAI ku soo bandhigay doorka iyo kaalinta Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS uu ka qaato xoojinta isla-xisaabtanka, daahfurnaanta iyo dowlad-wanaagga, isaga oo sidoo kale muujiyay muhiimadda iskaashiga ARABOSAI, oo uu Xafiisku xubin buuxda ka yahay.
Intii ay munaasabaddu socotay, waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee lagu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa sida looga faa’iideysan karo Garaadka Macmalka ah (AI), looguna adeegsan karo xoojinta ilaalinta iyo dhowrista khayraadka iyo hantida dadweynaha.
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu si joogto ah ugu howlan yahay adkeynta iyo sare-u-qaadista xiriirka iyo wada-shaqaynta uu la leeyahay hay’adaha hantidhowrka adduunka iyo kuwa gobolka, si loo horumariyo adeegga dadweynaha iyo dowladnimada.









