Gudaha
Soomaaliya oo hambalyeysay Maalinta Xornimada Dowladda Hindiya.

Muqdisho(SONNA);'Munaasabadda sannad-guurada 79-aad ee Xornimada Jamhuuriyadda Hindiya Awgeed, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin diirran u diraysaa Dowladda iyo shacabka Hindiya, iyadoo u rajaynaysa nabad, barwaaqo.
Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale mar kale xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Hindiya.
La wadaag



