Wararka
HOGGAAMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO BOOQASHO SHAQO KU TAGAY TALISKA QEYBTA 60-AAD

Baydhabo(SONNA):- Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Xarunta Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee magaalada Baydhabo.
Hoggaamiyaha ayaa waxaa xarunta si diirran ugu soo dhaweeyay saraakiisha Qeybta 60-aad, oo uu hoggaaminayay Taliyaha Qeybta 60-aad, Gaashaanle Sare Isaaq Berdaale.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulan la qaatay saraakiisha Qeybta 60-aad, isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda amniga, howlaha ciidanka iyo qorshayaasha lagu xoojinayo sugidda amniga magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha ayaa ku bogaadiyay saraakiisha iyo ciidamada Qeybta 60-aad dadaalka ay ugu jiraan gudashada waajibaadkooda qaran, ilaalinta amniga iyo badqabka shacabka.
Booqashada shaqo ee Hoggaamiyaha waxaa ku wehliyay Wasiirka Amniga, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida.







