Gudaha
HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO DAAHFURAY SHIRKA HORUMARINTA WAXBARASHADA KOONFUR GALBEED

Baydhabo (SONNA):- Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si rasmi ah u daahfuray Shirka Horumarinta Waxbarashada Koonfur Galbeed.<br>Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iyo horumarinta nidaamka waxbarashada, sare u qaadista tayada waxbarashada, tayeynta macallimiinta, ballaarinta adeegyada waxbarashada iyo sidii carruurta iyo dhallinyarada Koonfur Galbeed loo siin lahaa fursado waxbarasho oo tayo leh.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa adkeeyay muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay horumarka bulshada, nabadda iyo dhismaha mustaqbalka jiilka soo koraya, isagoo sheegay in Dowladda Koonfur Galbeed ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta waxbarashada iyo taageeridda dadaallada lagu kobcinayo aqoonta iyo xirfadaha bulshada.
Shirka waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, oo uu ugu horreeyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Mudane Maxamed Cusmaan Jiidow, macallimiin, bahda waxbarashada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Waxaa la filayaa in shirka laga soo saaro talooyin iyo qorshayaal wax-ku-ool ah oo lagu sii horumarinayo waxbarashada deegaannada Koonfur Galbeed.






