Wararka
HABDHOWRAHA GOLAHA SHACABKA OO KULAN LA QAATAY GUDDIGA ARRIMAHA DIBADDA EE GOLAHA SHACABKA

Muqdisho(SONNA):-Hab-dhowraha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) oo uu wehliyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) ayaa kulan la qaatay Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Shacabka.
Kulanka ayaa looga hadlay howlaha uu guddigu u xilsaaran yahay, qorshayaasha shaqo iyo arrimaha horyaalla Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aways Xuseen Macallin iyo xubnaha kale ee guddiga ayaa Hab-dhowraha Golaha Shacabka la wadaagay warbixin ku saabsan shaqada guddiga, howlaha uu hadda hayo, shuruucda hortaalla iyo marxaladaha kala duwan ee ay marayaan.
Hab-dhowraha Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa guddiga ku bogaadiyey dadaalka ay ugu jiraan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, isagoo kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan shaqada iyo wada-shaqeynta hay’adaha ay wada shaqeynta la leeyihiin, si loo dardargeliyo howlaha horyaalla guddiga, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah uu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday, gaar ahaan la socodka iyo qiimeynta siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka, iskaashiga caalamiga ah iyo ilaalinta danaha qaranka.






