Wararka
Guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka oo qaabishay madaxda hawlgalka UNTMIS
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hawlaha xuquuqul insaanka iyo sidii loo hurumarin lahaa

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), Dr. Maryan Qaasim, ayaa maanta xarunta dhexe ee Guddiga ee Muqdisho ku qaabishay Mudane Raisedon Zenenga, Madaxa hawlgalka UNTMIS ee Qaramada Midoobay iyo wafdi uu hoggaaminayay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray geeddi-socodka kala-guurka hawlaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay iyo doorka sii kordhaya ee Guddiga ee la xiriira kormeerka, warbixinnada iyo wax-ka-qabashada arrimaha xuquuqul insaanka.
Mudane Zenenga ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada Guddiga marka uu dhammaado hawlgalka ku meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay bisha Oktoober, gaar ahaan dhinacyada kobcinta awoodda hay’adda, kormeerka iyo diyaarinta warbixinnada, iyo xoojinta awoodda Guddiga si uu si madax-bannaan ugu guto waajibaadkiisa dastuuriga ah.
Dr. Maryan Qasim ayaa soo dhoweysay sii socoshada iskaashiga labada dhinac, iyadoo xaqiijisay sida ay Guddiga uga go’antahay xoojinta lahaanshaha qaran iyo dhismaha hay’ad Qaran oo Xuquuqul Insaan oo hufan, madax-bannaan, isla markaana ay dadweynuhu si fudud u heli karaan.








