Wararka
Guddoomiyaha golaha shacabka oo soo xiray shirka 3-aad ee bulshada bariga Afrika
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika ay dalka u furtay fursado cusub

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa soo xiray Shirweynaha 3-aad ee Bulshada Bariga Afrika. Guddoomiyuhu wuxuu ugu horreyn u mahadceliyey qabanqaabiyeyaasha iyo dhammaan ka qaybgalayaasha gudaha iyo dibadda uga yimid shirkan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika ay dalka u furtay bog cusub oo ku saabsan iskaashiga, isdhexgalka iyo fursadaha horumarineed ee gobolka.
Guddoomiyuhu wuxuu xusay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu door dastuuri ah oo muhiim ah ka qaadanayo hirgelinta doorka Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika. Wuxuu sidoo kale sheegay in Golaha Shacabku diyaar u yahay gudashada waajibaadkiisa sharci-dejinta, metelaadda shacabka iyo la xisaabtanka Xukuumadda, si loo ilaaliyo danaha dalka iyo xuquuqda muwaadiniinta.
Wuxuu intaas ku daray in Golaha Shacabku mudnaan siin doono dib-u-eegista sharciyada la xiriira isdhexgalka Bulshada Bariga Afrika iyo diyaarinta sharciyo cusub oo loo baahan yahay.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Soomaaliya, iyadoo ka faa’iidaysanaysa goobta istaraatiijiga ah ee ay ku taallo, xeebteeda dheer, kheyraadkeeda, ganacsatada iyo qurba-joogteeda, ay leedahay fursado muhiim ah oo ay wax weyn kaga tari karto horumarka gobolka.
Wuxuu ku boorriyey dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika inay xoojiyaan wax-soo-saarka gudaha, tayada badeecadaha iyo awoodda ganacsiga, si beeraleyda, xoolo-dhaqatada, kalluumaysatada iyo ganacsatada yaryar ay uga faa’iidaystaan suuqyada gobolka.
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in mudnaan la siiyo dhallinyarada iyo haweenka, la ballaariyo waxbarashada farsamada iyo tababarrada xirfadeed, isla markaana la dhiirrigeliyo fursadaha ganacsi-abuurka.
Wuxuu tilmaamay in jaamacadaha iyo xarumaha cilmi-baaristu ay door muuqda ka qaadan karaan xalinta caqabadaha jira iyo diyaarinta aqoonta looga baahan yahay tartanka caalamiga ah.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa caddeeyey in Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashi ku dhisan is-ixtiraam, sinnaanta dalalka iyo danaha ay wadaagaan
Wuxuu ku baaqay in la diyaariyo qorshe cad oo lagu fulinayo go’aannada shirweynaha, kaas oo qeexaya mudnaanta, hay’adaha mas’uulka ka ah iyo waqtiyada fulinta, isla markaana la sameeyo qiimayn joogto ah oo lagu cabbirayo natiijooyinka la gaaray.








