Wararka
Guddoomiyaha golaha shacabka oo Tanzania kula kulmay wafdi ka socda Baarlamanka Turkiga
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka labada Baarlamaan ee xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Türkiye

Arusha (SONNA): Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan kula yeeshay wafdiga Golaha Weyn ee Qaranka Türkiye (Grand National Assembly of Türkiye),ku matalayay Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka labada Baarlamaan ee xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Türkiye, iyo kor u qaadista is-dhaafsiga khibradaha, aqoonta iyo waayo-aragnimada hay’adaha baarlamaannada labada dal.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdiga Golaha Weyn ee Qaranka Türkiye ayaa inta kulankooda uu socday adkeeyey muhiimadda xoojinta diblomaasiyadda baarlamaanka iyo isu-dhoweynta aragtiyaha iyo mowqifyada labada dal ee ku aaddan danaha ay wadaagaan iyo arrimaha mudnaanta u leh labada qaran ee fagaarayaasha caalamiga ah.







