Gudaha
Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA oo Qurba-joogta Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dadaallada gurmadka iyo ka hortagga fatahaadaha

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan dhinaca fogaan-aragga ah la yeeshay qurba-joogta Soomaaliyeed, oo uu hoggaaminayay Ururka Somali Global Diaspora (GSD).
Kulanka waxaa looga hadlay diyaar-garowga fatahaadaha la saadaalinayo inay ka dhashaan xaaladda El Niño, iyo sidii loo xoojin lahaa tallaabooyinka hore ee lagu yareynayo khasaaraha ka dhalan kara.
Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa qurba-joogta Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qaybqaataan dadaallada gurmadka iyo ka-hortagga fatahaadaha, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga iyo isku-duwidda dadaallada gurmadka, Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa dhankooda muujiyay diyaar-garowgooda ku aaddan inay kaalin ka qaataan taageeridda dadaallada gurmadka iyo wacyigelinta bulshada.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay qurba-joogta Soomaaliyeed garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyaan dalkooda.







