calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo qaabishay madaxa hay’adda UNDP

Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo qaabishay madaxa hay’adda UNDP
Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo qaabishay madaxa hay’adda UNDP — SONNA

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka  Dr. Maryam Qasim, ayaa maanta Muqdisho kula kulantay Wakiilka cusub ee hay’adda UNDP ee Soomaaliya, Christophoros Politis.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga u dhaxeeya labada hay’adood ee Guddiga iyo UNDP.

Guddoomiyaha iyo Wakiilka waxay si gaar ah diiradda u saareen kobcinta awoodda Guddiga, ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, isku-duwidda iyo xoojinta isla shaqeynta hay’adaha kala duwan ee ku hawlan ilaalinta xuquuqul insaanka, iyo fursadaha lagu abuuri karo barnaamijyo wadajir ah oo bulshada wax loogu qabanayo mustaqbalka.

La wadaag