calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya — SONNA

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Mudane László Máthé, waxaana kulanka looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Kulanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga Golaha Shacabka iyo hay’adaha sharci-dejinta ee Midowga Yurub, si loo xoojiyo awoodda Golaha, loona ballaariyo isdhaafsiga aqoonta iyo khibradaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee uu Soomaaliya ka siiyo dhinacyada amniga iyo dowlad-dhiska, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dhinac.

La wadaag