Gudaha
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Guddi ka socda xildhibaanada mucaaradka

Muqdisho,(SONNA):- Waxaa maanta xarunta Villa Hargeysa shir yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Guddi Xildhibaanno ah oo wakiil ka ah Xildhibaannada Mucaaradka.
Kulanka, waxaana looga wada hadlay sidii Golaha Shacabka u noqon lahaa hal Gole oo ka shaqeeya xal u helidda khilaafaadka iyo ka shaqeynta danta dalka inta laga soo dooranaya Baarlamaanka 12-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa u ballamay kulamo kale oo lagu gaarayo heshiis lagu wada shaqeyn karo.











La wadaag



