Gudaha
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

MUQDISHO(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan muhiim ah kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee Dalka Kenya, Mudane Moses Wetang’ula.
Kulanka labada Guddoomiye ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga baarlamaannada, is-weydaarsiga waayo-aragnimada iyo kobcinta aqoonta hay’adeed, waxaana labada dhinac ay adkeeyeen doorka labada Baarlamaan ee metela danaha iyo himilooyinka labada shacab, iyo muhiimadda xiriir ku dhisan is-ixtiraam, is-afgarad iyo dano wadaag, kaas oo horseeda nabad, xasillooni iyo horumarka labada dal iyo guud ahaan gobolka.



La wadaag



